Gudoomiyaha amaanka gobolka waqooyi-bari Nicodemus Ndalana ayaa uga digay maleeshiyooyinka qabilka ee gobolka in ay ka fogadaan arrimaha amaan darada.

Kudawaad 11 qof ayaa lagu diley sagaalkii bilood ee la soo dhaafay dagaal beeleedyo ka dhacay tulada Raya oo ka tirsan Ismaamulka Gaarisa.

Maleeshiyada qabilada ayaa waxaa lagu eedeeyay dilalka iyo argagax galinta dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan,Iyagoo sidokale la sheegay in ay geystaan xatooyada xoolaha.

Mr Ndalana ayaa waxaa u la kulmay odayaasha labada beelood wuxuuna ooga digay in falalka amni darada aan la aqbali doonin.