Koox u dhaqdhaqaaqada arrimaha bulshada Gaarisa ayaa warqad u qoray guddiga Xisaabaadka lacagta Dadweynaha ee Senate-ka si ay u baaraan musuqmaasuqa baahsan ee ka jira ismaamulka Garissa.

Kooxdan ayaa Waxaa hogaaminaya gudoomiyahooda Xasan Aadan Gumo, kooxda ayaa waxay dooneysaa in guddiga senate-ka ay ka soo saaraan jawaabta baaritaankiisii ugu dambeeyay maaliyadda maamul gobooledka Garissa.

Kooxda ayaa sheegay in si xun loo isticmaalka hantida shacabka ay tahay mid baahsa, taas oo ay shegeen in caqabad ku tahay horumarka.

Waxaa ayaa sidoo kale warqad u qoreen Agaasimaha Dacwad-oogaha Guud ee dalka Mr Nurdiin Xaaji oo weydiisanaya in amar ku bixiyo in boliska ay baaraan ku-takri-falka lacagta dadweynaha Ismaamulka Garissa