Kiisaska cudurka ‘COVID-19’ ee dalka ayaa korordhay waxayna gaartay 6,070 ka dib markii 259 qof laga helay caabuqa sida ay sheegtay Wasaraada Caafimaadka wadanka.

Sidokale Wasaraada Caafimaadka ayaa sheegtay in 35 qof laga saaray isbitaallada ka dib markii ay ka soo kabsadeen viruska corona.

Tirada dadka ka bogsaday cudurka ayaa hadda noqotay 1,971, qof.

Dhanka kale labo bukaan oo hor leh ayaa u dhinteen fayraska, iyadoo tirada dhimashada ay gaartay 143.

259-ka kiis ee cusub, 256 ka mid ah waa Kenyan halka sedex ay yehiin ajaanib.

Kiisaska ayaa 159 waxay yehiin rag halkana 100 ay dumar noqdin.