Manchester United ayaa wajahaysaa kooxda Chelsea semi-finalka FA Cup-ka, iyadoo Arsenal ay la ciyaareyso kooxda difaacaneysa FA cup-ka ee Manchester City.

Kooxda Ole Gunnar Solskjaer ee United ayaa la ciyaareysa kooxda Frank Lampard ee Chelsea ciyaar ku celis u ah finalka 2018, oo ay ku guuleysatay Blues.

Harry Maguire ayaa dhaliyay gool waqtiga dheeri-ga ah iyadoo United ay ka adkaatay 10 ciyaaryahan oo Norwich ah kulankii lugta hore ee Sabtidii, halka Chelsea ay 1-0 kaga badisay Leicester axadii iyadoo goolka guusha u usaxixay Ross Barkley qeybtii labaad ee ciyaarta.