Kiisaska cudurka coronavirus ee adduunka oo dhan ayaa gaaray in ka badan 10 milyan.

Dad lagu qiyaasay nus milyan ayaa u dhintey caaabuqa COVID-19 sida ay sheegtay Jaamacadda Johns Hopkins. Mareykanka ayaa leh qiyaastii afar meelood meel dhammaan dhimashada.

Wasiirka caafimaadka Mareykanka, Alex Azar ayaa sheegay in si loo xakameya fayraska la qaado tallaabo wax ku ool ah.

Wuxu sidokale sheegay in kiisaska COVID-19 ee gudaha dalkas ay si kordhayan.

Kiisaska caabuqan ee wadanka Pakistan ayaa ka saara maray 200,000 ka dib 3,602 kiis oo cusub la soo tabiyay Axaddii.