Madaxweynihii hore ee maamulka Puntland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Faroole oo haatan ah Senator ka tirsan Golaha Aqalka Sare ayaa ka hadlay xaaladda dalka Soomaliya , gaar ahaan matalaaddda la siiyey gobolka Banaadir.

Senator Cabdiraxmaan Faroole ayaa si weyn uga horyimid ansixinta xeerkaasi, kadib markii xildhibaanada Golaha Shacabka baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ay meel mariyeen in gobolka Banaadir uu Aqalka Sare ku yeesho illaa 13 xubnood.

Sidoo kale wuxuu go’aanka baarlamaanka Soomaaliya ku tilmaamay mid sharci darro ah, islamarkaana lagu deg-degay, sida uu hadalka u dhigay.