Sarkaal katirsan ciidamada NPR ta ayaa dil loogu geystay deegan lagu magacaabo madax baqaay oo dhacda koonfurta wajeer kadib markii ay israaseen dhexmartay isaga iyo koox burcad hubeysan oo aan heybtooda la aqoon.

Mid kamid ah burcada ayaa islagoobta lagu dilay.

Sidokale bilo kahor ayaa deegaankaasi laga afduubtay laba Qof shacabka ayaana codsaday in dadka lasoo badbaadiyo.

Waxaa geerida sarkaalka ka tacsiyadiiyay barasaab kuxigeenka wajeer Ahmed mukhtar iyo wakiilka lagasoo doorto deegaan hoosaadka ibraahim uurey.