Booliska Siaya ayaa gacanta ku haya seddex qof oo looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin burcad argagax gelisay dadka deegaankas.

Sida uu sheegayo Taliyaha Bilayska Gobolka Siaya Francis Kooli tuhmanayaasha ayaa booliska u horseeday in meel ay ku dhuuntaan dadkan oo ku taal aagga lagu magacaabo Karapul halkaas oo laga soo helay kabo booliis iyo hub.

“Kadib markii macluumaad laga helay shacabka abbaaraha 5-tii galabnimo ee Sabtida, seddex nin oo dhalinyaro ah oo looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin burcadda dilaaga ah ayaa la qabtay kadib markii lagu arkay Karapul,”ayuu yiri Mr Francis Kooli.

Askartu waxay kaloo halkas ka heleen TV-ya iyo mobile phones oo la rumeysanyahay in la xaday.

Saddexdan qof ayaa lagu hayaa Saldhigga Booliska Siaya baaritaan ayaana ku socda.