Haweeney ku umushay badda ayaa ka mid ahayd 93 muhaajiriin ah oo laga soo badbaadiyey xeebaha Liibiya xilli ay isku dayeen in ay gaaraan Yurub, halka lix kale ay dhinten, sida ay xaqijisay hay’adda socdaalka ee Qaramada Midoobay.

Muhajiriinta la soo badbaaday ayaa habeenimadii xalay dib loogu celiyay magaalada xeebta ee Khoms, oo 120km u jirto galbeedka caasimada Tripoli ,sida ay barteeda twiiter-ka ay ku sheegtay hay’aada socdaalka addunka ee loo so gabiyo (IOM).

In ka badan 100,000 oo muhaajiriin ah ayaa isku dayay inay ka gudbaan badda Mediterranean sanad kasta halka in ka badan 1,200 ay dhintaan, sida ay sheegtay IOM.