Qaar ka mid ah ciidamada milatariga dalka Itoobiya ee qeybta ka ah howl-galka AMISOM ayaa isaga baxa gudaha dalka Soomaliya, kadib markii ay dhameysteen muddo howleedkooda Ururka Midowga Afrika ee Soomaaliya.

Ciidamada dib ugu laabtay dalka Itoobiya ayaa munaasabad soo dhoweyn ah loogu sameeyey gobolka Liibaan ee dowlad deegaanka Soomaalida, iyadoona lagu xareeyey xero ciidan oo ay wasaaradda gaashaandhigga Itoobiya ay ku leedahay halkaasi.

Ciidamadan ayaa safar dhulka ah uga baxay Koonfur Galbeed, iyaga oo ku gaaray gaaray dalka Itoobiya, gaar ahaan xeryaha loogu talagalay.

Sanad kasta ayaa waxaa badal lagu sameeyaa askarta Midowga Afrika ee xiran koofida cagaaran ee muujineysa in ay u diiwaangashan yihiin howl-galka AMISOM Soomaaliya.

Itoobiyaha ayaa qeyb ka ah dalalka ay ciidamada ay ka joogaan Soomaaliya, kuwaas oo dhaq dhaqaaqyo xoogan ka wada gobollada Gedo, Hiiraan, Baay iyo Bakool.