Sama el-Masry oo ah fanaanad caan ka ah dalka Masar, ayaa lagu xukumay saddex sano oo xabsi ah iyo ganaax lacageed oo dhan 300,000 oo ah lacagta dalka Masaar oo u dhiganta 18,500 dollar ka dib markii lagu helay arin anshax xuma ah oo ay soo dhigtay baraha bulshada.

El-Masry ayaa la qabtay bishii Abriil intii oo lagu gudajiray baaritaan ku saabsan muuqalo iyo sawira ay soo dhigtay warbaahinta bulshada, taasi oo xeer ilaalintu ku tilmaamtay inuu yahay mid anshax daro ah.

Fanaanada 42 jir ka ah oo qoob-ka-ciyaarka dhanka masraxa kusoo muuqato ayaa isakafogeysay eedeymaha, iyada oo sheegtay sii qarsodi ah oo taleefankeeda lagala wadaago bulshada ayadoo oggolaansho lagahaysanin.