Wasaaradda Caafimaadka Puntland ayaa maanta kala wareegtay hay’adda UNICEF qalab loogu talagalay 12 xarumood oo hooyada iyo dhalaanka oo dib u dayactir lagu sameeyay, xarumahaan ayaa ku kala yaala gobolada Nugaal iyo Mudug.

Xaashi Xirsi Muuse oo ka socday hay’adda UNICEF oo qalabaka wareejinayay ayaa sheegay in maanta ay wasaaradda ku wareejinayaan qalab loogu talagalay 12 xarumaha hooyada iyo dhalaanka ah oo la dayactiray, xarumahan ayaa lagu dayactiray dhaqaale ay bixisay wadanka Germalka waxaana la soo mariyay UNICEF, xarumaahaan ayaa ku kala yaala meelaha fog ee gobolada Nugaal iyo Mudug.

Dr Abdirisaaq Xirsi Xasan Agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Puntland oo hadal kooban ka jeediyay ayaa ugu horayn soo dhaweeyay qalabkan maanta ay kala wareegayaan hay’adda UNICEF looguna talagalay ilaa 12 xarumood oo hooyada iyo dhalaanka ah oo ku kala yaala deegaanada fogfog ee Puntland.

Waxa ay xusay in xarumaha la dayactiray 5 kamid ah ay ku yaalaan gobolka nugaal kuwaas oo kala ah xarunta hooyada dhalaanka Badey degmada Eyl, Yoonbeys, Gambool, Gargaar iyo Kulmiye degmada Burtinle.
Sidoo kale gobolka Mudug 7 xarumood oo hooyada iyo dhalaanka ah ayaa la dayactiray qalabkaana la gaarsiin doonaa kuwaas oo kala ah degmada Jiriiban ( Garcad iyo Balibusle), Degmada Galdogob (Shaafici iyo Qudus), xarun ku taala Buursalax iyo xarun hooyada iyo dhalaanka oo laga dhisay degmada Tawfiiq oo aan horay ulahayn.