Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaliya Maxamed Mursal Cabdiraxmaan ayaa shalay sheegay inuu usoo hanjabay mid kamid ah Madaxweynayaasha maamul gobaleedyada dalka.

Mursal ayaa sheegay in madaxweynahan, oo uusan magacaabin, uu usoo diray farriin uu ku dalbanayo in lagu joojiyo shaqada Golaha Shacabka, ama uusan imaan doonin kulanka uu Iclaamiyay madaxweynaha Soomaaliya.

Guddoomiyaha oo ay ka muuqatay carro ayaa sheegay in fariintan ka timid mid kamid ah Madaxweynayaasha maamul gobaleedyada loo soo marsiiyay Madaxweynaha Soomaaliya waxa uuna arrintaasi ku tilmaamay dhaqan aad u xun.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ma uusan shaacin magaca madaxweynaha fariinta soo diray ama maamulka uu hogaamiyo balse waxaa soo baxaya warar sheegaya in qofkaasi uu yahay Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.

Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ayaa sheegay in maamulka Puntland ay xoog iyo xoolaba geliyeen sidii ay u hor istaagi lahaayeen matalaadda gobalka Banaadir iyagoo sheegay in si toos ah ugu lug lahaa madaxweyne Deni.