Guddiga doorashada ee dalka Malawi ayaa ku dhawaaqay hogaamiyaha isbahaysiga mucaaradka Lazarus Chakwera inuu ku guuleystey doorashadii madaxtinimada ee dalkas.

Ku dhawaaqida natiijada dorashada ayaa timid goor dambe oo malinta Sabtida ah afar maalmood ka dib markii dadweynaha reer Malawi ay u dhareren codbixinta ku dhawaad shan bilood ka dib markii maxkamadda dastuuriga ah ee dalka Malawi meesha kasaartay natiijada codbixinta bishii March 2019-ka kadhacday dalkaasi.

Chakwera, oo 65 jir ah, ayaa helay aqlabiyadda loo baahnaa, iyadoo u helay 58.57 boqolkiiba codadkii Talaadadii la qabtay, guddiga doorashada ayaa sheegay inuu ka guulestay Peter Mutharika.Mr Chakwera ayaa waxaa u madaxweyne u ahaan doona shan sano dalkaasi oo kunoolyihiin 18 milyan oo qof.