Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howl-gallo qorsheysan oo ciidamada dowladda Somaaliya ay ka sameeyeen gobolka Jubbada Hoose.

Howl-gallada oo ay fuliyeen ciidamada sida gaarka u tababaran ee Kumaandooska Danab ayaa waxaa laga sameeyey deegaano ay ku sugnaayeen Al-Shabaab.

Taliyaha guutada 16-aad ee Kumaandooska Danab G/le Ismaaciil Cabdimaalik Maalin oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay la wareegeen saacadihii la soo dhaafay, deegaanada, Janaay Cabdale, Helishiid, Mayonde iyo Garasceebe ee gobolka Jubbada Hoose.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay si wadi doonaan dhaq-dhaqaaqyadooda, kuna wajahan yihiin deegaanada kale ee ka maqan dowladda.

Maalmihii u dambeeyey ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa howl-gallo milatari ka waday gobollada Jubbooyinka ee koonfurta Soomaaliya.