Kudhawaad 129 arday oo dalka u dhalatay oo ku xayirana dalka Suudaan sababo la xariiro faafitanka caabuqa corona ay dalka dib loogu soo celiyay.

Ardayda ayaa soo gaadhay Maddaarka Caalamiga ah ee Moi ee magalada Mombasa fiidnimadii Sabtida halkaasi oo ay kusoo safreen diyaarad ay leedahay shirkada Kenya Airways.

Ardayda ayaa baaritaan lagu subiyay caafimaadkooda kadib markii ay ka degeen garoonka diyaaradaha ee Moi ka hor inta aysan aadin Iskuulka Dowladda ee Kizingarea si karantiil loogu sameeyo 14-maalmood.