Maalmihii la soo dhaafay ayaa la arkayay in Gudoomiyaha Ismaamulka Machakos Alfred Mutua uu soo daayo muuqalo gaagaaban oo ugu yaraan 10 luqadood uu kula hadlo dadka Kenya-ka asagoo ka codsanayaan in ay ka fogaadaan siyaasada qowmiyadaha ku dhisan isla markaana ay qeyb ka noqdaan siyaasada furaan ee dalka.

Guddoomiyaha, oo laba jeer ku guuleysto kursiga gudoomiyaha Machakos ayaa indhihiisu ku hayaa kursiga madaxtinimada dalka,isaga oo sheegay in uu yahay nin isagu safarkiisa ku jira, ayaa Mr Mutua dhanka kale ku eedeeyey Madaxweyne Uhuru Kenyatta in uu adeegsaday khariidadihii hore ee Kanu ee isbedelka hogaanka dalka taasi u sheegay in caqab ku tahay hormarka dalka.

Gudoomiyaha ayaa ku dhawaaqay musharnimadisa isagoo ku sugan xarunta labaad ee xisbiga Maendeleo Chap Chap ee kuyaasha Kileleshwa,caasimada Nairobi.