Guddoomiyaha Ismaamulka Kirinyaga Anne Waiguru ayaa sheegtay in ay cafisay wakiillada golaha hoose ee barlamaanka Kirinyaga.Mrs Waiguru ayaa sheegay in go’aanka senet-ka uu ahaa guul taariikhi u ah mustaqbalkeeda siyaasadeed.

Guddoomiyaha ayaa waxaa ay carrabka ku adkeysay in xilkaqadisteeda uu ahaa qorshooyin loola dan lahaa in lagu dhaawaco magaceeda.

Waxay Mrs Waiguru ku nuuxnuuxsatay inay taageero u hayso isbedelka dalka iyo is-gacan qaadkii ka dhaxaya hoggaamiyaha xisbiga ODM Raila Odinga iyo Madaxweyne Uhuru Kenyatta.