Ugu yaraan toddobo qof ayaa ku dhintay manta daadad kadib roobab mahiigaan ah oo ka da’ay gudaha magaalada Abidjan ee waddanka Ivory Coast.

Jimcihii, kooxda saadaasha hawada ee dalka Ivory Coast ayaa ka digay roob badan oo la rajeynayo dhammaadka isbuucan.

Madaxa maamulka ee caasimada Abidjan, Vincent Toh Bi Irie, ayaa bartiisa Facebook ku sheegay in meelaha qaar, roobka uu gaari karo 300 milimitir (12 inji) maanta, ama lix jeer in kabadan xadka caadi-ga u gaari karo roobka.

Wadankani Galbeedka Afrika ku yaalo ayaa waxaa bartamaha bisha Abriil ilaa dhamaadka bisha 10aad roob mahiigan ka da’a taas oo mararka qaar keenta khasaara nafeed iyo mid dhaqaale.