Manta ayaa gudaha dalka laga diiwaangaliyay 278 xaaladood oo dheeraad ah ee caabuqa coron 4,074 tijaabo la qaaday 24-kii saacadood ee la soo dhaafay.

Natijadi maanta ayaa tirada guud ee dadka laga helay corona ka dhigeysaa 5,811, sida ay sheegtay wasiir kuxigeenka wasarada caafimaadka Mercy Mwangangi iyadoo wadanka la tijaabiyey guud 162,478 qof.

Marka laga hadlayo qaybinta ismamul walba, Nairobi waxaa laga helay 171 kiis, halka ay ku xigto Mombasa oo laga helay 37, Nakuru (17), Kiambu (12), Busia (10), Uasin Gishu (9), Kajiado (afar) iyo Migori saddex xaaladood.

Dhanka kale Kericho, Machakos, Nandi iyo Trans Nzoia ayaa laga diiwaangeliyay labo kiis midkiiba Siaya, Taita Taveta, Kwale, Kisumu, Makueni, Meru iyo Vihiga mid walbaa waxaa laga diwaangaliyay min hal kiis.