Madaxweynihii hore ee Burundi Pierre Nkurunziza oo ku dhintey xafiska isagoo xilka hayo 8-dii juun,ayaa shalay oo jimca ah lagu aasay aas qaran oo ka dhacay caasimada siyasadeed ee dalkaasi ee Gitega,badhtamaha dalkaasi.

Shacabka rer Burundi oo ku labisan dhar cad ayaa u baroortay Mr Nkurunziza iyagoo oo ku sugnaa garoonka Igoma ee magalada Gitega,ka dib markii la kenay maydkiisa garoonka oo laga keenay isbitaal ku yaala gobolka Karusi halkaasi oo lagu dhabibaye kahor inta u halkaasi ku dhimanin.

Madaxweynaha cusub ee Burundi ee la caleemo saaray ee dalkaasi Burundi Evariste Ndayishimiye ayaa amaanay Mr Nkurunziza isagoo sheegay in u lahaa tayo geesinimada,wadaninimada iyo jaceyl shaqo markii u khudbad ka jedinayay goobta aaska kadacday.

Denise Nkurunziza,xaaska Mr Nkurunziza,oo khudbad ka jeedisay goobta aaska ayaa u mahadcelisay dhamaan dadkii qalbi-ga u qaboojiyey qoyska Nkurunziza xilliga adag oo ay ku gudajiraan.

Wafuud heer sare ah oo ka socota waddamada Africa oo u kujiro Raiisal wasaraha dalka Tanzania Kassim Majaliwa iyo madaxweynihii hore ee Tanzania Jakaya Kikwete ayaa ka qeyb galay aaska Mr Nkurunziza.

Mr Nkurunziza ayaa waxaa u ku dhashay waqooyiga gobolka Ngozi ee Burundi sanadkii 1964,Nkurunziza oo ahaa hogamiyihii hore mucaaradka Hutu,ayaa waxaa loo doortay madaxweynaha Burundi 2005,waxaana mar labaad iyo sadexaad la doortay 2010 iyo 2015.