Machadyada tacliinta farsamada iyo xirfadaha ee loo soo gaabiyo TVET iyo jaamacadaha ayaa waxaa ay haystaan fursad aad u sareyso oo dib loogu furi karo markii loo eego dugsuyada hoose iyo kuwa sare.

Tani ayaa laga soo xigtay wasiirka waxbarasha ee dalka Mr George Magoha ,oo sheegay caqabadaha kabayaasha dhaqaalaha wajahay inay caqabad weyn ku yihiin furitaanka dugsiyada hoose iyo kuwa sare.

Isaga oo ka hadlaayey magalaada Kisumu malintii jimcaha,Mr Magoha ayaa waxaa u sheegay in kulliyadaha farsamada lagu barto ay leyihiin awood lagu kala fogeyn karo bulshada iyada oo la wado dadaallada lagu xakameynayo fiditaanka Covid19.

Waxaa u intaasi ku daray Mr Magoha in hagaajinta maaskarada aysan aheyn dhibaata weyn asago sheegay in ay jiraan hubin laga helayo xogayaha mamulaha kulliyadaha farsamada dalka Julius Juan oo sheegay in ay awoodan in ay soo saraan maskaaro ku filan.