Xisbiga ANC ee u hogaamiyo Musalia Mudavadi ayaa ka saaray senator-ka Kakamega Cleophas Malala xisbiga taasi su’aal ka keeni karto sharci ahaan go’aankaasi,iyadoo la sheegay in mudo xileedka mas’uuliyinta xisbiga ANC u damaaday.
Wakhtiga u dhacaayo mudo xiledka mas’uuliyiinta xisbiga ANC oo u kujiro Mr Mudavadi oo ah hogaamiyaha xisbiga ayaa dacwad loo gudbiyay xafiiska diwaan galiyaha xisbiyada dalka.

Go’aanka xisbiga looga saaray Mr Malala ayaa waxaa lagu ansixiyay kulana ay yesheen gola gaar ah oo ah golaha maamulka qaran ee xisbiga ANC oo ka dacay xarunta xisbiga ee Amani House.

Si kastaba ha noqotee,intii lagu guda jiray warbixinta loo gudbiyay guddi-ga khaas-ka ah oo baaray dacwadaha la xarira xilka-qaadista ka dhanka ah gudoomiyaha ismaamulka Kirinyaga Anne Waiguru,senator Malala ayaa sheegay in u weli yahay senator-ka Ismaamulka Kakamega.