Masaajidda ayaa dib loo furay malintii Sabtidii isbuucan inta badan dalka Masar kadib seddex bilood ay xirnayeen iyadoo xayiraado lagu soo rogay guddaha Masar si loo xakameyo cudurka coronavirus.

Dawladda Masar ayaa waxaa ay oggolaatay salaadda maalinlaha ah kaliya lagu tukado masajidda oo jimcaha lagu oogin karin masaajidda sababo laxariro taxaddar caafimaad, halka masixiyiinta Axadda ay khanisadaha ay soo xadiri karin.

Si kastaba ha noqotee dowladda Masar ayaa dadaal uguu jirta in ay xakameyso faafitanka caabuqa corona.