Kooxo hubeysan ayaa lagu soo warramayaa in goor dhow askar ka tirsanaa ciidamada dowladda federalka Soomaliya ay ku dileen gudaha magaalada Muqdisho.

Dilka oo ahaa mid qorsheysan ayaa ka dhacay degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir, gaar ahaan agagaarka Masjidka Irshaad, iyadoona lagu toogtay labo askari oo ka tirsanaa ciidamada dowladda, gaar ahaan kuwa qaada canshuuraha ee Minishiibiyada.

Wararka ayaa sheegaya in labadaasi askari la toogtay, xilli ay ku jireen goob lagu gooyo boonada gaadiidka Carro-gediska loo yaqaano.

Ciidamada ammaanka, gaar ahaan kuwa Booliska ayaa markii dambe gaaray goobta, kuwaas oo meydadka askarta ka soo qaaday halkaasi.

Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha amniga iyo maamulka degmada Kaaraan oo ku aadan dhacdadaasi.