Ciidamada cirka ee Boqortooyada Ingiriiska ayaa sheegaya in kii ugu horreeyay ee duulimaadyo taxane ah oo qaada gargaarka degdegga ah ee loo yaqaan ‘coronavirus Aid’ ee Afrika u gaaray dalka Ghana qalab loogu talagalay isbitaal kuyaalo casimmada Ghana ka oo awood u leh ku dhawaad 100 qof in loogu adheego hal mar.

Xoghayaha guud ee NATO Jens Stoltenberg ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in dalka Ingriiska uu yahay xulufadii ugu horeyay ee NATO ee bilaawa duulimaad gargaar ah kadib markii NATO ay ogolaatay inay taageerto baaqa Qaramada Midoobay ee ku aadana gargaarka la xariro corona virus-ka.

Faafitanka corona-ga ayaa sababay xannibaadaha safarka ee hawada arinkaasi oo sameyn kuyeshay duullimaadyada tagi jiray Africa sida xamuul-ka muhiim ka ah oo ay ku jiraan sahay-ga caafimaadka.