Barasaabka Ismaamulka Kirinyaga Anne Waiguru ayaa ka badbaaday in xilkeeda laga qaado kadib markii 11 xubnood oo ka tirsan guddiga senetorada oo loo saaray in ay soo baaran eedeymaha loo haysto ay sheegeen in ay ahaayeen kuwo daciif ah oo aan si wanaagsan loo shaacinin.

Warbixin uu maanta siiyay afhayeenka aqalka senetorka Kenneth Lusaka gudoomiyaha guddigi loo saaray in arrintan ay baaritan dheer ku soo samiyaan Mr Cleophas Malala ahna Senatorka Ismaamulka Kakamega ayaa sheegay in MCA-yaada Kirinyaga ay ku guuldaraystay in cadeeyoma xilka ay uga turin Anne Waiguru aysan soo bandhigan.

Golaha hoose ee dowlad gobaleedka Kirinyaga ayaa maalmo ka hor xilka ka qaadin Governor Anne Waiguru ayagoona ku eediyay wax is daba marin.

Dhanka kale gudoomiyaha Countyga Kirinyaga Anne Waiguru ayaa sheegtay in xilka qaadisteeda ay tahay mid salka ku hayso arrimo siyaasadeed.