Dab aan caadi ahayn ayaa ka kacay suuqa Gikomba ee Magaaladatan Nairobi, kaas oo sababay khasaare aad u badan.

Wararka aan ka helayno Suuqa ayaa sheegayan in dabku uu halkas kacay 4kii habeenimo ee xalay.

Sidokale dabka ayaa waxaa lagu soo waramayaa in uu qabsaday goobo badan oo ganacsi ah oo goobtas ku yeelaan.

Meelaha sida daran uu u sameeyey ayaa ah goobaha lagu iibiyo dharka hudheyda ah ee Mitumba una dhow xafiisyada Xarunta Dhexe ee Ururada Ganacsiga (COTU).

Sikastaba ha noqote Ma aha markii ugu horeysay oo uu dab ka kaco gudaha suuqaa Gikomba.