Kulammada isbuuca 31 ee horyaalka Premier League ayaa caawa la ciyaarayaa iyadoo kooxda Chelsea oo dadaal ugu jirta sidii ay xaqijisan lahayd afarta sare ee horyaalka ay garoonkeeda Stamford Bridge caawa ku soo dhoweynayso Manchester City.
Labada kooxood ayaa haysta rikoor fiican oo guulo ah tan iyo markii laga soo laabtay karaantiilka, iyadoo Chelsea ay guul ka soo gaartay Aston Villa Axaddii, halka Manchester City ay adkaatay labadii kulan ee islaa iyo haatan ay ciyaartay.
MACLUUMADKA CIYAARTA.

Tartanka: England – Premier League

Taariikhda: Khamiis 25 Juun 2020

Saacadda ay bilaabaneyso dheesha: 10:15 Habeennimo xilliga geeska Afrika.

Garoonka: Stamford Bridge

Garsooraha: Stuart Attwell (England)

WARARKA KOOXAHA
Tababaraha Kooxda Chelsea ee Frank Lampard ayaysan haysan wax dhaawacyo cusub ah oo uu ka walwalo.

Jorginho ayaa la heli karaa markale kaddib labo kulan oo uu ganaax ku maqnaa, laakiin Fikayo Tomori iyo Callum Hudson-Odoi ayaa sii joogteyn doonaa maqnaanshahooda.

Weeraryahanka Kooxda Manchester City ee Sergio Aguero ayaa seegi doona kulankan, waxaana uu u safray Magaalada Barcelona, halkaasoo looga soo daweynayo dhaawac Jilibka ah.

Gabriel Jesus ayaa booska weerarka ka bedelay Aguero ka hor qeybtii hore kulankii ay 5-0 ku adkaadeen Isniintii, markale ayuuna ku soo bilaaban karaa xiddiga reer Brazil safka hore ee kooxda Tababare Pep Guardiola.

Tababare Pep Guardiola ayaana sheegay inuu nasiino siin doono kulankan qaar ka mid ah xiddigihiisa waa weyn si uu diiradda u saaro kulanka FA Cup-ka ee ay la leeyihiin Newcastle United.