Mas’uuliyiinta Masar ayaa waxaa dhaleeceeyey kooxaha u dooda xuquuqda insaanka arin ku sabsan in ay weerareen wargeys madax-bannaan oo ay xireen tafatiraha wargeyska iyo sidoo kale in ay dhibaateeyeen qoyska muwaadin-ka Mareykan ka ah kaasi oo ra’iisul wasaarihii hore ee dalkaasi Masar ka gudbiyay dacwad ku saabsan xadgudubka xuquuqda aadanaha.

Habeenimadii Arbacada, ciidamada booliska Masar ayaa waxaa ay weerareen xafiisyada warbaahinta al-Manassa waxayna xireen tafatiraha warbahintaasi oo lagu magacaabo Nora Younis sida xaruntaasi saxafadeed ay ku xaqijisay barteeda Twitter-ka.

Si kastaba ha ahaate dalka Masar ayaa loo aqoonsaday dalka saddexaad ee ugu halista badan caalamka in suxufiyiinta ay ka howl galaan.