Man United ayaa ku soo laaban doonta ciyaarista Premier League caawa oo arbaca ah kulan ay marti galin doonto kooxda Sheffield United garoonka Old Trafford todobaadkii 31-aad ee premier League.

Red Devils ayaa bar-baro la gashay Tottenham jimcihii waxana ay haatan wajahayaan koox kula tartamaysa kaalmaha tartamada yurub loogu soo boxo.
Balse waxa jiri doona 3 is badal oo uu ku samayn doono tababare Ole shaxdiisa kulankii hore ee uu kaga hor tagay kooxda Shiffield.

Xiddiga Phil Jones ayaa ciyaaray kulankii Sheffield United ee bishii hore ee November isaga oo ka ciyaarayay daafaca oo lambarka 5-naad.
Laakiin tababare Solskjaer ayaa shaxda 4-3-3 ku soo gali doona kulanka caawa isgaa oo khadka dhexe u banayn doona xiddigaha kooxdiisa.

Xiddiga Andreas Pereira ayaa sidoo kale ku bilowday kulankii bishii November isaga oo khadka dhexe ku wehelinayay xiddiga Fred laakiin haatan waxa uu ka baxay qorshaha Solskjaer waxana ku bilaaban doona shaxda xiddiga Bruno Fernandes.

Paul Pogba ayaa sidoo kale la filayaa in uu ku bilowdo shaxda Man United markii ugu horaysay sanadka 2020 kadib markii uu kaydka ka soo kacay kulankii Tottenham halka uu Scott McTominay ku bilaaban doono kadib markii uu heshiis cusub u saxiixay kooxda Man United.

Badalka kale ee 3-aad ayaa ah in uu Brandon Williams oo dhaliyay goolka kulankii ay United la ciyaartay sheffield United kaydka gali doono si uu Luke Shaw ugu bilowdo shaxda Red Devils kadib qaab ciyaareedkii fiicnaa ee kulankii Tottenham.
Kooxda Tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaa bar-baro 3/3 ah la gashay kooxda Sheffield United bishii November ee sanadkii la soo dhaafay.