Kuuriyada Woqooyi ayaa ku dhawaaqday inay joojineyso qorshaha ahaa talaaba milatari oo ka dhan ah Kuuriyada konfureed, ka dib kulan ay yeesheen guddiga militariga ee xisbiga uu hogaamiya Kim Jong-Un,sida ay werisay wakaalada wararka dowladda waqooyiga Kuuriya ee KCNA maanta oo arbaca ah.
Xiisadaha siyaasadeed ee u dhaxeeya labada Kuuriya ayaa kor usii kacaday maalmihi lasoo daafay kadib kooxa kasoo goostay Kuuriyada Woqooyi kuwaasi oo uu diray dhanka xadka ah warqada dacaayad ah oo ku aadan xukuumadda Mr Kim.
Kuuriyada Woqooyi waxay wajaheysa cunaqabateyn dhaqaale oo ku subsan hubkeeda nukliyeerka ayadoo wadahadalada haatan socda ay ku diiday in ay joojiso qorshaheed nukliyeerka.