Guddomiyaha Golaha Shacabka Soomaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa loo gudbiyey mooshin xasaasi ah oo ku saabsan kuraasta Aqalka Sare ee gobolka Banaadir.

Mooshinka loo gudbiyey Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa waxaa lagu dalbaday in kuraasta Aqalka Sare ee Gobolka Banaadir la gaarsiiyo illaa 13 Senator.

Mooshinkaan ayaa waxaa saxiixay illa 130 Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana guddoomay Gudoomiye Mursal.

Dhawaan ayaa la filayaa in baarlamanka Soomaliya uu cod u qaado mooshinkaan, waxaana jiro olole xooggan oo iska soo horjeedo oo ku saabsan mooshinkaan, waxaana la saadaalinayaa in la ansixin doono maadaama xildhibaanada mooshinka gudbiyey ay wadaan dadaal xooggan.

Gobolka Banaadir ayaa markii ugu horreysay matalaad ku yeelan doona Aqalka Sare ee baarlamanka, sida ay go’aamiyeen Guddiga Wadajirka ee Diyaarinta Xeerarka Dhamaystirka Sharciga Doorashooyinka Qaranka Soomaliya.