Kooxda Liverpool ayaa lagu soo waramayaa in laga diiday dalab Rasmi ah oo dhan 58 milyan oo euro oo ay Reds ku dalbatay saxiixa xiddiga daafaca uga ciyaara Napoli ee Kalidou Koulibaly.
Kooxaha Man United, PSG, Real Madrid iyo Barcelona ayaa dhamaantood xiiso u muujiyay saxiixa xiddiga Kalidou Koulibaly.
Laakiin Liverpool ayaa u muuqata kuwo dalaabo muhiim ah u qaaday daafaca Kalidou Koulibaly iyaga oo ka gudbiyay dalab dhan 58 milyan oo euro sida uu sheegayo wargayska Corriere dello Sport.
Laakiin Napoli ayaa isla markiiba diiday dalabkaas inkasta oo ay kooxda reer Italy diyaar u tahay in ay iibiso xiddiga si ay suuqa ugu gasho lacagtiisa.
Reds ayaa ka mid ah kooxo badan oo doonaya saxiixa daafaca reer Senegal ee Kalidou Koulibaly marka la gaadho suuqa kala iibsiga xagaaga.