Horyaalka Ingriiska ayaa soo laabatay Arbacadii ka dib markii xilli ciyaareedkii 2019-20 hakad galay 100 maalmood ka dib faafitanka caabuqa coronavirus.

Maanta waxaa jira afar kulan oo Premier League ah iyadoo Arsenal ay indha kuhayso inay ka soo kabsato guuldaradii ka soo gaartay City kulankii hore ee habenka Arbacada.

Kulamada ayaa mar kale dib loo ciyaray iyadoo garoomada ay yihiin kuwa albaabada uu xiran, laakiin isbadalada badan muuqda ee uu keenay Covid-19 ayaa ah ciriiri dhaqaale oo aad uu adag oo soo fod saaray kooxaha taasoo runtii saameyn ku yeelan doonta suuqa kala iibsiga xagaagan.

Kulamada Manta jiro ee premier league ayaa kala ah:

WATFORD VS LEICESTER

BRIGHTON VS ARSENAL

WESTHAM VS WOLVES

BOURNEMOUTH VS CRYSTAL PALACE