wararka ka imaanaya Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa sheegaya in Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre uu ka qeyb-galay wada-hadal xagga Internet-ka ah oo looga hadlayay arrimaha Soomaaliya,  gaar ahaan dib u kabashada hannaanka dowladnimo iyo dadaalka loogu jiro sidii mar kale Soomaaliya ay cagaheeda ugu istaagi laheyd.

Wada-hadalka ayaa waxaa ka qeyb-galay mas’uuliyiin matalayay Midowga Afrika,  midowga Yurub,  Mareykanka, Ingiriis-ka,  IGAD, iyo Qaramada midoobe, waxayna ku amaaneen Soomaaliya ambaqaadka geeddi socodka dowladnimo ee taaba-galaya.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa kulankaan oo uu meeqaamkiisu  sarreeyay waxa uu beesha caalamka u sheegay in hoggaanka iyo shicibka Soomaaliyeed oo iskaashanaya ay gaareen guulo waaweyn oo dhinaca dowladnimada ah.

Dhammaan kasoo qeyb-galayaashii kulanka ayaa midba geestiisa waxa uu ballan-qaaday iney sii wadi doonaan taageerada ay siiyaan Soomaaliya.