xili daadad xoogan ay ku rogmadeen deegaano kamid ah Puntland ayaa Dowlad goboleedka Puntland waxa ay ka soo saartay digniin ku saabsan inay soo socdaan roobab mahiigaan ah oo khasaare geysan kara, inkastoo aan la xusin halka ay roobabkaas kusoo wajahan yihiin.

“Waxaa dadweynaha lagu wargelinayaa in saadaasha hawadu sheegayso inay soo socdaan roobab mahiigaan ah oo khasaare geysan kara. Hadaba waxaa la farayaa inay ka guuraan dhulka godan iyo meelaha biyo mareenka ah,” ayaa lagu yidhi bayaan kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland.”

Todobaadkaan, Puntland waxaa ka da’ay roobab mahiigaan ah oo ay ka dhasheen daadad kusoo rogmaday magaalooyinka waa weyn, waxaana saameynta ugu culus ay gaartay magaalada Qardho oo naf iyo maalba lagu waayay.

Puntland waxay maalintii shalay shaacisay inay hirgalisay qalab lagula socondoono saadaasha hawada iyo isbedelka cimilada, si loogasii gaashaanto qatarta ka dhalan karta Roobabka guga oo si aan kala joogsi lahayn uga socda Puntland.