Wararka ka imaanaya Magaalada Jowhar ayaa sheegaya in Madaxweynaha dowladd Gobaleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare in uu ka tacsiyadeeyey dadkii ay xalay waxyeelada ka soo gaartay roobabka gu’ga ee ku soo rogmaday Magaalada Qardho saameynta Culus ku yeeshay dadkaasi.

Madaxweyne Waare ayaa muujiyay sida uu ugu murugooday dhibaatada Daadadkaasi ay ku yeesheen Dadka Qardho, waxaana uu ugu baaqay Cid kasta oo garab istaagi karta Walaalaha Puntland in ay garab istaagaan, waxaana guddiyada Fatahaada Hirshabelle oo ay hormuud u yihiin Guddoomiyeyaasha Labada Gobol ee Hiiraan Iyo Shabeelaha Dhexe uu faray in ay u istaagaan Abaabulka U gurmashada Dadka Reer Qardho

“Waxaan aad ula murugoonaynaa walaalaha Qardho saameynta Culus ay ku yeesheen Daadadka ka dhashay Roobabka Gu’ga ee dalka ka curtay, gudoomiyeyaasha gobalka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan iyo Gudoomiyaha gobalka shabellaha dhexe Axmed Mayre Makaraan waxaan farayaa in si deg deg ah ula shaqeeyaan gudiyada gurmadka Hirshabelle State ay shacabkeeda ugu talagaleen walaalahood reer Qardho arrintaan abaabulkeedana ay horseed u noqdaan ayuu yiri” Madaxweyne Waare.

Sidoo kale Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare oo sii hadlay ayaa Hogaanka Puntland Ku amaanay dadaalada Gurmadka Deg dega ah ay ka geysanayaan Dhibaatada saameysay Dadka Reer Qardho, waxaana uu ku micheeyay isku duubnida Shacab, Dowlad, iyo Madaxweyne Deni in ay horseed u tahay Ka gudbitaanka dhibka kasta oo jira wuxuuna madaxweynuhu uu bogaadiyay isku duubnidaas.

Ugu dambeyntii Madaxweynaha ayaa ku amaanay Reer Puntland garab istaagoodii walaalnimo oo fatahaadii ugu dambeysay Bulshada Hirshabelle ay u muujiyaan waxaana taasi daliil u tahay sida shacbiga Hirshabelle iyo Puntland uu uga dhexeeyo xiriir Qoto dheer oo walaalnimo iyo Ganacsi ah.