Wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa sheegtay in kiisaska cudurka covid-19 in ilaa iyo hadda lagu arkay 14 ka mid ah 47-da ismaamul gobaleed ee u wadanka ka kooban yahay.
Tirada guud ee kiisaska la xaqiijiyay ‘Covid-19’ ee dalka Kenya ayaa gaartay 374 ayadoo 11 qof oo dheeraad ah laga helay cudurka.

Xoghayaha Maamulka Caafimaadka Dr Rashid Aman oo warbahinta la hadlay ayaa sidoo kale ku dhawaaqay in 10 bukaan oo dheeri ah ay ka cafimaadin xanunka coronavirus taas oo tirada guud ee ka bogsatay cabuqa ka dhigayso 124.

Tirada dhimashada ayaa weli ah 14, sida u sheegay Dr Rashid Aman.

Dr Aman ayaa dhanka kale sheegay in 11 qof ee cusub laga helay covid 19 toddobo ka mid ah ay ku sugnaayeen Nairobi afar kalena ay ka soo jeedan ismamulka Mombasa.

Kiisaskan cusub ee cabuqa covid 19 kuwoda laga diiwaan galiyay magaaladatan Nairobi ayaa waxa mid ka mid ah u ka soo jeedan xafaada Eastleigh,ee ay somalida dhigto.

“Waxaa muhiim ah in la ogaado in isbeddelada kiisaska ee togan maalmihii la soo dhaafay waxay maalmahan ku xaddidan yihiin Nairobi iyo Mombasa,” ayuu yiri Dr Rashid