Wasiirka Amniga Gudaha dalka Fred Matiang’i ayaa Talaadadii shalay shaaca ka qaaday in xeryaha qaxootiga Kakuma iyo Dhadhaab ay san jiri doonin qof soo bixi karo iyo in la gali karin amarkaas oo maanta oo arbaca ah dhaqan galaayo.

Tilabadan ah in dibedda loga bixi karin lana soo gali karin xeryaha Kakuma iyo Dhadhaab ayuu Mr Matiang’ in ay qayb ka tahay tallaabooyinka looga hortago faafitaanka coronavirus.


,,Ka dib kulan, aan yeelanay si loo xakameeyo faafitaanka ‘Covid-19’ dalka oo dhan, Dowladdu waxay amartay joojinta dhaqdhaqaaqa gudaha iyo dibedda xeryaha Qaxootiga Dhadhaab iyo kakuma oo dhaqangalo berri, Arbaco, Abriil 29, 2020 , ”Ayuu Matiang’i ku yiri bartisa tweet-ka
Tan iyo markii wadanka laga xaqijiyay kiiski ugu horreeyay ee coronavirus bishii Maarso 13 Ismaamulada Turkana iyo Gaarisa oo xeryahan ay ku yaalan midna lagama helin cabuqa COVID 19.