Xarakada Al-Shabaab ee ka dagaaladana Soomaaliya ayaa markii labaad 24-saac gudahood weerar madaafiic ah ku qaaday xarunta Xalane oo ay saldhig ku leeyihiin Ciidamada AMISOM, Hey’adaha Qaramada Midoobey iyo Safaarado dhowr ah.

Weeraradan Madaafiic ayaa dhacay shalay subax iyo xalay fiidkii hore, waxaana la sheegay in dhowr madaafiic ku dhaceen Xalane iyo Garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Al-Shabaab ayaa qoraalo ay barahooda Internet-ka ku qoreen ku sheegay in duqeyntaas lagu dilay ajaaniib ah.

Hase ahaatee madaafiicdii shalay subax oo ku dhacay meel aan sidaa uga fogeyn Xerada Xalane waxaa ku dhintay illaa afar qof rayid ah oo guryahooda madaafiicda ku habsadeen.

Dowladda Soomaaliya ayaa weli ka hadlin weerarada madaafiicda lagu qaaday Xarunta Xalane, iyadoo bishan gudahood 3 jeer weeraro madaafiic lagu qaaday xarunta Xalane iyo garoonka diyaaradaha.

Madaafiicda Al-Shabaab ku weerarayaan Xerada Xalane ayaa waxaa dhowaan ka hadlay Wasiirkii hore Warfaafinta Daahir Maxamuud Geelle ahna Musharax u taagan xilka Madaxweynaha doorashada 2021, waxaana uu sheegay in dowladda aysan u arkin weerarada garoonka diyaaradaha la soo tuuray oo kaliya, balse ay u aragto saameyn taban ee dalka ku yeelan karo, isla markaana u aragto arrin qaran difaacida garoonka.