Dowladda Kenya ayaa lacag dhan 1.7 milyan oo shilin u qoondeysay in loo qeybiyo ilaa 35 qoys oo ay dad uga dhinteen dhul go’o saameeyay xadka ay wadagaan Ismaamullada dariska ah ee Elgeyo Marakwet iyo galbeedka Pokot.


Waxaa lacagtan loo adeegsanaya howlaha aaska loo sameeynaya dadka dhibaatadaas ku nafwaayay.


Isku duwaha ammaanka ee gobolka Rift Valley Mr. George Natembeya ayaa sheegay in qoys kasta uu helaya 50,000 oo shilin.

Mr. Natembeya ayaa intaa ku daray in ilaa iyo hadda aan meel lagu ogeyn 16 qof.


Dhul go’a oo ka dhashay daadad halkaas ku dhuftay kaddib roobab xooggan oo da’ay ayaa waxaa dhanka kale ku barakacay ugu yaraan 4,000 oo qof.


Ilaa iyo hadda waxaa la soo helay meydadka 18 qof.