Dowladda dhexe ee dalka ayaa shaaca ka qaadday in ay muddo hal bil ah ku kordhisay mudada ay xirnaanayaan xarumaha waxbarashada.
Wasiirka wasaaradda tacliinta ee wadanka Prof. George Magoha ayaa dhanka kale sheegay inaan weli la qaadan go’aan dib loogu dhigaya xilliga ay ardayda u fariisanayaan imtixaanaadka KCPE-da iyo KCSE-da.
Magoha ayaa xusay in afartii toddobaad ee la soo dhaafay ardayda inay ku jireen fasax caadi ah .

Go’aankan ayaa dhaqangalaya 4-ta bisha soo socoto ee May oo horay ahayd taariikhda rasmiga ee loo qorsheeyay inay dugsiyada dib u furmaan.

Waxaa uu sido kale caddeyay Mr Magoha inuunan jiri doonin arday imtixaanka qaran sameeyn doono iyadoo aan fursad buuxda loo siin qadashada casharrada lagu imtixaanaya ee waqtigii ka kulmay.