Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa bulshada muslimiinta ah ee ku nool gudaha wadankan u diray hambalyo la xiriirta bisha Ramadaan ee maanta billaabatay.


Madaxweynaha ayaa xusay in Kenya iyo wadamada kale ee caalamka ay dantu ku khasabtay inay dhaqangeliyaan tallaabooyin lagu xakameynayo faafitaanka caabuqa Coronavirus si loo badbaadiyo nolosha shacabka.


Hoggaamiyaha dalka kenya ayaa muslimiinta ugu baaqay inay dalka u duceeyaan si uu Alle uga dulqaado culeyska soo foodsaaray.
Mr. Kenyatta ayaa hoosta ka xarriiqay inaan marnaba la iska indha tiri karin xaaladda adag ee cudurka Covid-19 ee dalka ka jirto.


Mr. Kenyatta ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in Kenya ay caqabadda haysata ee cudurka covid-19 xal u heli doonto hasa ahaate ay khasab tahay qaadashada go’aammo dadka qaar ay suurtagal tahay inay dhibsadaan.

Waxaa uu ku nuuxnuuxsaday inay lagama maarmaan tahay in la iska ilaaliyo kulamada dadweynaha , inaan aad la isugu dhawaan sido kalena gacmaha lagu dhaqdo saabuun iyo biyo.


Madaxweynaha ayaa sido kale soo jeediyay in bisha Ramadaan gudaheeda la caawiyo danyarta wuxuuna sido kale u mahadceliyay howlwadeenada caafimaadka , cilmi baarayaasha , saraakiisha ammaanka iyo kooxaha gurmadka degdegga.