Madaxweyne Ku xigeenka Wadanka Kenya  Dr. William Ruto ayaa bulshada muslimiinta ah ee ku nool Kenya ugu baaqay in laga doonayo in ay raacaan talooyinka wasaaradda caafimaadka iyo amarrada dowladda ee lagu xakameynayo faafitaanka coronavirus xili la guda galayo bisha barakeysan ee Ramadaan.


William Ruto ayaa Baaqan diray xilli uu kulan la qaadanayay mas’uuliyiinta golaha saree ee muslimiinta Kenya ee SUPKEM, hoggaanka masjidka weyn ee Jamia iyo xubno kale.


Waxaa kulankaan ka qeyb galay guddoomiyaha dalladda SUPKEM Xassan Naado, xoghayaha guud Ambasadoor Maxamad Mahat, Prof. Cabdullatif Essajee iyo Prof. Fatma Cali oo matalaysay haweenka muslimiinta ah ee dalka.


William Ruto ayaa hoosta ka xarriiqay in dowladda ay fahansan tahay muhiimadda ay leeyihiin madaxda iyo ururada diimeed gaar ahaan xoojinta dhaqangelinta amarrada lagu dhawaaqay.

William Ruto
Waxaa uu si gaar ah ugu mahadceliyay golaha saree e muslimiinta ee (SUPKEM) oo uu xusay inuu kaalin weyn ka qaadanaya la dagaalanka cudurka Covid-19.