Xili uu curtay xili roobaadka Gu’ga ayaa waxaa lagu soo waramayaa in Ismaamulka Mandera Waqooyi bari Kenya uu tan iyo xalay ka da’ayay roob xoogan oo ay ku diirsadeen dhammaan dadka iyo Duunyada ku nool Ismaamulkaasi.

Agaasimaha guud ee waaxdan,Stella Aura ayaa shaaca ka qaadday in goobaha ay roobabka culus ka da’I doonaan ay ka mid yihiin Nairobi, Gobolka waqooyi-bari, waqooyiga-galbeed ee dalka , bartamaha iyo gobolka xeebta.

Waaxda saadaasha hawada ee dalka ayaa sheegtay in ismaamullada Kwale, Kilifi, Mombasa, Lamu, Tana-River, Wajeer, Marsabit, Taita Taveta, Nairobi, Nyeri, Kiambu, Nyandarua, Murang’a, Embu, Meru, Kirinyanga, Tharaka Nithi, Isiolo, Samburu, Turkana, Machakos , Kitui, Makueni, Garissa, Busia, Kisii, Nyamira, Kericho, Bomet, Nakuru, Narok, Migori, Trans Nzoia, Nandi, Baringo, Uasin Gishu, Vihiga, Bungoma, Homa Bay, Kisumu, Siaya, Kakamega iyo Nakuru ay saameyn ka soo gaari karto roobabka.

Roobabka ka da’ay qeybo badan oo dalka ayaa heer ahaan gaaray in ka badan 30 miliimitar 24 saacadood gudahood waxaana la filaaya inay sii socdaan.
Mrs Stella Aura ayaa intaa ku dartay in la rajaynayaya in roobabka ka jiro galbeedka dalka, bartamaha iyo Nairobi ay si tartiib tartiib ah kordhaan oo ay gaaraan 40 miliimitir inta u dhexeysa Khamiista iyo Jimcaha ee toddobaadkan.