39 haween ah oo Somali ah ayaa 14ka maalmood ku karantiil ah ku qadan doonan Kulliyadda Tababarka Caafimaadka Kenya (KMTC) ka dib markii lagu qabtay xaflad aroos ah habeenimadi xalay xafladda arooska ah ee dumaarkan laga soo qabtay ayaa waxay ka dhacaysay Nasra Estate Komarock, oo ku taalo Casimaada dalka ee Nairobi.

Arrintan ayaa imaanaysa xilli dowladda dalka ay mamnuucday dhammaan isu imaatinnada taaso lago goliyahay in lagu lagu xakameyo faafitaanka cudurka coronavirus.

dhankale Mid ka mid ah haweenka la qabtay ayaa qirtay inay galeen dambi.

“Waan qiranay qaladaadkanaga waan ognahay in arooska aan la aqbalaynin waqtigan haddii nalo qaado saldhigga booliiska waxaan qiranay qaladaadkanaga .”ayey tiri
Shalay ayey ahayd markii ay ku dhawaqday Xoghayaha Maamulka Wasaaradda Caafimaadka dalka Dr Mercy Mwangangi, in qof kasta oo lagu arko bannaanka inta lagu jiro saacadaha bandowga lagu ciqaabi doonaa karantiil khasab ah.
Ilaa iyo hadda Kenya waxa dalka COVID-19 laga helay 270 iyadoo 14 qof ay cudurkan ay u dhinteen.