Wasaaradda caafimaadka Xukuumadda  Kenya ayaa shaaca ka qaadday in cudurka coronavirus-ka  uu hadda ku sii fafaayo qeybaha kala duwan ee dalkaas.

19 kamid ah 47-da Ismaamul ee Kenya ka  kooban tahay ayaa ilaa iyo hadda laga diiwaangeliyay kiisas la xiriira cudurka Covid 19.

Shalay galinkii danbe ayay Dowladda Kenya shaacisay 8 kiis oo cusub taasoo tirada guud ka dhigaysa 216.

8-dan kiis ayaa isugu jiro 6 laga soo tabiyay Ismaamulada Nairobi , Siaya 1 iyo Nakuru 1.

Sido kale waxaa cudurkaan gudaha wadanka uga bogsaday 41 qof halka 9 ruuxna ay  u geeriyootay

Xoghayaha wasaaradda caafimaadka ee dalka u qaabilsan dhanka maamulka Dr. Mercy Mwangangi ayaa sheegtay in ismaamullada laga helay kiisaska cudurka ay kala yihiin.

Nairobi 101 Kilifi 10 Mombasa 34  Nakuru 5  Mandera 6  Kiambu 7  Laikipia 2  Kisii  1  Kitui  2  Kajiado 2  Muranga 2

Homabay 1  Kakamega 2 Nyamira 1 Nyandarua 2  Nyeri 1  Uasin Gishu 2  Vihiga 1 iyo Kwale 1.