Saraakiil ka tirsan Ciidanka Somaliland iyo maamulka magaalada Laas-Caanood ayaa soo dhoweeyay Ciidamo la sheegay inay ka goosteen Maamulka Puntland.

Ciidamada soo goostay oo tiradoodu tahay  illaa 30 Askari iyo Sarkaal hogaaminayo ayaa waxay ahaayeen  Ciidamada Puntland ee ka howlgeli jirey deegaanka Boocame ee gobolka Sool.

Saraakiil ka tirsan Somaliland ayaa sheegay in ciidamadaan xilligaan wixii ka dambeeya ay ka mid yihiin Cidanka Somaliland.

Taliyaha hogaaminaya Ciidamada ka soo goostay Puntland ayaa sheegay inay ku farax san yihiin inay ku soo biiraan ciidanka Somaliland ayna diyaar u yihiin la dagaalanka kuwa amni darada ka wada Somaliland.

 

Facebook Comments