Boliiska magaalada Nairobi ayaa Shan qof  oo lagu eedeynayo inay qorsheynayeen falal argagixiso ku qabtay wadada Kiambu.

Sida laga soo xigtay Saraakiisha boliiska Edeysanayaasha la qabtay ayaa waxay isugu jiraan laba Kenyan ah, Laba Somali ah iyo muwaadin Maraykan ah, kuwasoo boliiska ay ku tuhmayaan inay qorsheynayeen weeraro argagixiso inay ka fuliyaan guddaha dalka.

Boliiska ayaa sidoo kale sheegay inay qabteen gaari noociisu yahay Toyota Vitz ah oo ay Eedeysanayaasha  adeegsanayeen.

Boliiska ayaa sheegay inay wateen Eedeysanayaasha la qabtay lacago isugu jira US Dolar, Kenya Shillin iyo lacagta Somali Shillin.

Qeybta Boliiska ee  la dagaalanka argagixisada ayaa baaritaan ku wada Eedeysanayaasha.

Facebook Comments